Wararka

Dab ka kacay daar ku taala magaalada Minneapolis ee Mareykanka oo dad ku dhintay…


Ilaa Shan ruux oo ay Soomaali ka mid ahaayeen ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen Dab ka kacay Daar ku taala magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Maxamed Nuur oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Minnesota ayaa VOA u sheegay in dadkan dhintay Afar ka mid ah ahaayeen Soomaali, waxaana uu intaa ku daray in marka laga soo tago Shanta Ruux ee dhimatay sidoo kale jiraan dad kale oo la dhigay goobaha caafimaadka oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Maxamed Nuur ayaa sheegay in ilaa iyo hadda inta la ogyahay Dabkan uu ahaa mid aan ciddi ka danbeeynin oo si iskii ah ku kacay, balse sidaa oo ay tahay waxaa wali soconaya ayuu yiri baaritaan la xiriira arrintan.

Dhismaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay sheegen in dadka badi ay u geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u badnaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: