Wararka

Arday deeq waxbarasho Jaamacadeed ka helay Talyaaniga oo garoonka Aadan Cade lagu…


Dowlada Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay tan iyo Burburkii dalka ka dhacay waxay deeq waxbarasho ah siisay Arday wax ka bartay Jaamacada Ummada.

Xaflad balaaran oo lagu sagootinayay Ardadaan ayaa lagu qabtay madaarka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ardadaan oo tiradoodu aheyd 14 ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqda waxbarashada Jaamacadeed oo ay ka heleen Talyaaniga.

Gudoomiyaha Jaamacada Ummada Professor Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in ardadan mudada labada sano ah ay wax soo baran doonaan.

Dhanka kale ku simaha safaarada Talyaaniga ee magaalada Muqdisho Fabio Ballarini oo dhankiisa hadlay ayaa tilmaamay in maalin weyn ay tahay maadaama ay ka marqaati kacayaan Ardadaan u duuleysa Talyaaniga.

Waa markii ugu horeysay tan iyo burburkii dalka ka dhacay kadib ay Arday Soomaaliyeed ay deeq waxbarasho ka helaan Talyaaniga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: