Wararka

Arsenal oo iska burisay tababare Unai Emery kadib 18 bilood oo kooxda la joogay…


Arsenal ayaa ceyrisay tababare Unai Emery ka dib 7 kulan oo aan wax guul ah gaarin, iyadoo Freddie Ljungberg si ku meel gaar ah uu ula wareegay shaqada tababarenimo.

Emery ayaa ka tagaya kooxda ka dib 18 bilood oo uu kooxda hogaaminayay, wuxuuna naadiga ku jiraa kaalinta sideedaad ee Premier League ka dib markii uu afar kulan uu guuleystay, 13 kulan oo uu saftay.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay naadiga ayaa lagu yiri “Go’aanka waxaa la gaaray kadib markii waxqabadka iyo natiijooyinka aan aheyn heerkii loo baahnaa”.

Waxaan weydiisanay Freddie Ljungberg inuu qabto shaqada kooxda koowaad si kumeel gaar ah. Kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa Freddie inuu horey noo hogaamiyo.

Arsenal ayaa guuldaradii ugu danbeysay soo gaartay Khamiistii, iyada oo si lama filaan ah gurigooda ugu garaacday Eintracht Frankfurt 2-1 wareega shanaad ee Group F ee Europa League.

In kasta oo guuldarro ay soo gaartay, hadana Arsenal ayaa ugu sarreysa Group-ka iyadoo leh 10 dhibcood, hal dhibicna waxay ka sareeysaa kooxda Jarmalka, laakiin weli uma aysan soo bixin wareega 16ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: