Wararka

Ciidamo Militari Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay gaareen magaalada Dhuusamareeb…


Ciidamada Militariga Itoobiya ayaa waxay saacadihii la soo dhaafay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay xuduuda labada dal ka soo gudbeen.

Ciidamada ayaa waxay daggeen Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona ku biiraya Ciidamada Jabuuti oo horey ugu sugnaa.

Wariye-yaasha Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay soo sheegayan in Ciidamada Itoobiya ay Garoonka Ugaas Nuur gudaha u galeen, iyagoo wata gaadiidka uuralaha loo yaqaano.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay Dowladda Somalia ka caawinayaan amniga Magaalada Dhuusamareeb, xilli magaaladaasi ay marti-gelinayso Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Galmudug.

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa horaantii bishaan bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb, xilli ay ku sugan yihiin Ciidamadii Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ee amniga ka dhigay magaaladaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale la wareegay gacan ku haynta Magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, oo ay ka arrimineysay Ahlu Sunna.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: