Wararka

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyey nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe…


Dayuurado dagaal ayaa xalay duqeymo ka fuliyey nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Duqeynta ayaa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab iyo ilaaladiisa, xili uu shir ka soo baxay kuna sii jeeday deegaano hoos taga gobolka Jubbada dhexe.

Saraakiil xog ogaal ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in duqeynta ay dhacday wax yar kadib markii uu soo dhamaaday shir xasaasi ah oo ay lahaayeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Weli ma jirto cid sheegatay duqeynta xalay ka dhacday degmada Jilib inkastoo ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ay inta badan sheegtaan duqeymaha noocan ah ee lala beegsado Al-shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: