Wararka

M/weynaha Somalia oo soo dhoweeyey qorshaha dib u habeynta Urur Goboleedka IGAD…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Ururkan, waxa ay mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolka, kana tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Sudan.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalah Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Sudan.

IgadIsbedel

Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay aas-aaskii Urur Goboleedka IGAD, haatanna shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin gudashada doorkooda iyo wax la qabsiga dalalka kale ee qeybta ka ah IGAD.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: