Wararka

Uhuru Kenyatta oo sheegay in ciidamada Kenya ay ka sii mid ahaan doonaan AMISOM ilaa iyo…


Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay ciidamada difaaca Kenya in ay kasii mid ahaan doonaan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) illaa iyo inta laga soo celinayo nabada iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkan jeediyay xilli lagu guda jiray xaflad uu tababar milatari ugu soo xirayay dufcadii toddobaad oo ka baxda Akadeemiyada Militariga Kenya ee ku taal Gobolka Nakuru, Khamiistii shalay.

“Ciidammadeennu waxay kasii mid ahaan doonaan kuwa AMISOM illaa laga takhlusayo halista ka imaanaysa kooxaha xagjirka ah ee dalalka Geeska Afrika u diiday nabada,” ayuu yidhi Uhuru.

Isagoo intaas raaciyay: “Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah inay nabad waarta iyo horumar waara ka helaan Kenya iyo deriskeeda.”

Ciidamada difaaca Kenya ayaa galay Soomaaliya sanadii 2011 kadib dhowr weerar oo ay Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalkaas. Markii dambe ciidamada Kenya waxay kamid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10568 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: