Wararka

Booliska Ingriiska oo soo bandhigay magaca ninkii weerarka ka geystay magaalada London…


Booliska London ayaa soo bandhyigay magaca ninkii weerarka ka geystay magaalada London oo ku sheegay Cismaan Khan oo ahaa 28 jir, hore u ahaa maxbuus bannaanka ku joogay damiin waqtiga uu weerarka dhacayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haweeney saddex qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Khan ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska kaddib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ninkaasi hareereeyeen, Booliska ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso.

Mas’uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 2012-kii, sida uu sheegay taliye ku xigeenka booliska London Neil Basu.

Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku sheegay in ninkaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii December 2018.

Ra’isul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa shegay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uusan waqtiga lagu xukumay u dhammaan, Booliska Ingiriiska ayaa iminka baaritaan ku haya goobtii uu ku noolaa Mr Khan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: