Wararka

Nin toorey ku hubeysnaa oo weeraray goob laga dukaameysto oo mashquul badan…


Nin toorey ku hubeysnaa ayaa weerar ku qaaday goob mashquul badan oo kutaala magaalada Den Haag ee dalka Holland, waxaana weerarkan ka dhashay cabsi lasoo daristay dadka kunool magaalada.

Booliska ayaa sheegay in nin aan wali la aqoonsan uu ka dambeeyay weerarkan tooreyda loo adeegsaday, waxa ayna shaaciyeen in sadex qof oo weerarka ku dhaawacantay loola carary Isbitaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay dukaanka Hudson’s Bay ee ku yaal jidka Grote Marktstraat ee magaalada Den Haag , waxaana dukaanka weerarka ka dhacay xiligaasi ka socotay dukaameysi maadaama ay aheyd Black Friday maalinta loogu magac daray.

Booliska ayaa ka codsaday shacabka in ay kusoo wargaliyaan ninka weerarka geystay hadii ay aqoonsadaan, waxa ayn sidoo kale booliiska dadka ka codsadeen in muuqaalo iyo sawiro hadii ay weerarka ka qaadeen lasoo wadaagaan. Ninka wax tooriyeeyey ayaa lagu sheegay inay da’diisu u dhaxeysay 45-50 jir.

Shakhsiga weerarka ka dambeeyay ayaana la sheegay in goobta isaga baxsaday, waxaana magaalada Den Haag ka socda howlgalo lagu baadi goobayo shaqsigii weerarka tooreyda loo adeegsaday ka dambeeyay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: