Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya oo ka hor yimid nidaamka midaynta xisbiyada dalka…


Wasiirka Gaashaandhigga ahna ku xigeenka Xisbiga ODP ee degaanka Oromiya ka taliya Lemma Magersa ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo midaynta xisbiyada dalka ee EPP iyo nidaamka MADAMAR ee uu layimid Abyi Axmed.

Lemma Magersa ayaa arrintan ka sheegay mar uu u waramayay laanta Afka Oromada ee VOA, inkastoo sida wararka qaar sheegayaan waraysigan markii hore la hakiyay sababo aan la caddayn haddana xalay ayay baahisay laanta Afka Oromada ee VOA.

Hadalka Lemma Magersa ayaa kusoo aadaya xilli la rabo in dalka oo dhan laga hirgaliyo arrimaha ku saabsan midaynta xisbiyada dalka. isla markaana arrintan ayaa dhabarjab ku noqon karta siyaasadda cusub ee Abyi Axmed rabo inuu dalka ku hoggaamiyo.

Lemma Magersa ayaa ahaa ninka ugu soo dhaw Abyi Axmed, wuxuuna hayaa xilka ugu sareeya dawladda isagoo awood badan ku leh gudaha deegaanka Oromiya ee ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Abyi Axmed

ODP ayaan wali ka jawaabin hadalka ku xigeenkooda Lemma Magersa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10568 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: