Wararka

Cudurka HIV/AIDS oo saameeyey sanadkii hore 1.7 milyan qof, halka 770 kun u geeriyootay…


37.9 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku sugan, ayaa la nool cudurka HIV, iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee AID-ska oo ku beegan 1da December.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan AIDska ee la yiraahdo UN-IADs, ayaa sheegtay sanadkii hore in cudurku hoos u dhacay.

Sanadkii hore waxaa cudurkaan uu saameeyay 1.7 milyan oo qof, waxaana u geeriyooday todobo boqol iyo todobaatan kun.

QM waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in la soo afjaro cudurkaan sannadka 2030, iyadoo loo marayo kor u qaadista helitaanka adeegyada caafimaadka, la dagaallanka dhaleeceynta & hubinta in dadku helaan xuquuqdooda.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqay wadamada adduunka in ay hubiyaan in ugu yaraan 90% dadka la nool Aids ay helaan adeegyo ka hortag oo dhameystiran sanadka soo socda.

Maalinta Aids-ka Adduunka waxay la bilaabay xuskeeda 31 sano ka hor oo ku beegan maanta oo kale.

Xuska maalintaan ayaa waxay ka tarjumaysaa dadaallada loogu talagalay in lagula dagaallamo HIV / Aids iyo in taageero loo muujiyo dadka la nool cudurka.

Sidoo kale waa maalin ay dunidu ku xasuusato dadkii u dhintey cudurada la xiriira HIV / Aids.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: