Wararka

Qorshe dib loogu soo nooleynayo wadahadaladii Dowlada iyo Ahlu Sunna oo la sheegay…


Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug, ayaa sheegaya in uu socdo qorshe mar kale dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka ka dhashay habka ay dowladdu u maamuleyso dhismaha Galmudug cusub oo loo dhan yahay.

Ahlu Sunna ayaa ka biyo diiday guddi Dowladda Federaalka u saartay dhismaha Galmudug iyo habka loo soo xulayo Baarlamaanka cusub, hase ahaatee dhinaca Dowladda ayaa wali ku adkeysanaya in howlaha Guddigu u socdaan sidii loogu tala-galay.

Balse wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in muddo kooban dib loo dhigay howlaha dhismaha Galmudug taa badalkeedana mar kale wada hadallo lala furayo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna si looga qanciyo tabashadooda.

Khilaafka ugu weyn ee labada dhinac ayaa salka ku haya in hoggaanka Ahlu Sunna ay doonayaan in Baarlamaanka cusub ee Galmudug laga siiyo 35 xubnood, balse Dowladda Soomaaliya ay u cuntami weysay,waxaana Warar soo baxaya ay sheegeen in Dowladda ay dooneyso in Ahlu Sunna Baarlamaanka laga siiyo 15 xubnood oo kaliya.

Dhuusa-Mareeb waxaa dhawaan gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo sheegay in la dardar-galiyo dhismaha maamulka oo cidna loo joojin doonin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: