Wararka

R/W Itoobiya oo lagu eedeeyey inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha ee Somalia…


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo dhowaan ku guuleystay Abaal marinta Nabadda ayaa lagu eedeynayaa inuu faragelin ku haayo arrimaha gudaha Somalia.

Warbixino Qaramada Midoobey ka soo baxay ayaa ku eedeeyay inuu sii hurinayo xasillooni darada ka jirta Somalia sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Meles Alem ayaa u sheegay wargeyska Nation in eedeymahaas ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo la been abuuray.

“Tiirarka arrimaha dibedda ee Itoobiya waxaa ka mid ah inaan la fara-gelinin arrimaha gudaha dalal kale. taasina waa diiwaankeena” ayuu yiri Meles Alem.

Madasha Xisbiyada ee ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin ayaa Itoobiya ku eedeeyey faragelin ay ku heyso Somalia, ayna dowlada federaalka ku taageerto caburinta maamul goboleedyada khilaafku kala dhexeeyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: