Wararka

Shariif Sheekh Axmed oo Mogadishu kula kulmay danjiraha Mareykanka ee Somalia…


Madaxweynihii hore ee Somalia ahna Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia Donald Yamamoto.

“Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021” ayuu yiri Shariif

“Waxaan uga mahad celinay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda” ayuu intaas ku daray Shariif sheekh.

Waxaa uu intaas ku daray shiikh shariif iney danjiraha Maraykanka u gudbiyeen go’aan cad oo ku saabsan doorashada Somalia.

“Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado” ayuu yiri  Shariif Sheekh oo qoraalkan soo dhigay baraha bulshada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: