Wararka

Ciyaaryahanka reer Qatar Akram Cafiifi oo loo caleemo saaray laacibka sanadka ee Asia…


Cayaaryahanka reer Qatar Akram Cafifi oo ka tirsan kooxda Al Sadd ee dalka Qatar oo dhalay laacibkii weynaa ee qaranka iyo horseed ee Somalia Xasan Cafiifi ayaa loo caleemo saaray Laacibka Sannadka Asia 2019 ee abaalmarinta Kubadda Cagta Asia maanta oo Isniin ah xaflad lagu qabtay magaalada Hong Kong.

Isaga oo Afif ku mashquulsan ka qeyb galka dalkiisa koobka Khaliijka ee 24aad, oo hadda ka socda dalka Qatar, waxaa u soo qaaday abaalmarinta asaga oo ka wakiil ah tababaraha kooxda al-Sadd ee ka soo jeeda Spain Xavi.

Abaalmarintan ayaa waxaa siiyay Xavi Madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee Asia Sheikh Salman bin Ibrahim Al Khalifa iyo madaxweynaha FIFA Gianni Infantino.

Farriin fiidiyoow ah ayaa Akram Afif ugu mahadceliyay asxaabtiisa iyo dhamaan dadkii taageeray muddadii la soo dhaafay , iyo sidoo kale xiriirka kubada cagta ee Asia.

Dhinaca kale Saki Kumagai oo reer Japan ah oo u ciyaarta kooxda Lyon ee France – ayaa loo magacaabay ciyaaryahanada ugu fiican.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8888 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: