Wararka

M/weyne Trump iyo qareenadiisa ayaa diiday ka qeyb galka dhageysiga dacwada loo heysto…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trumo iyo qareenadiisa ayaa iska diiday ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda loo haysto ee ay Xildhibaanada aqalka Kongreska Mareykanka ku casuumeen.

Labo saacadood kadib markii ay dhammaatay waqtigii loo qabtay ayay warbaahinta u sheegeen in ay warqad u qoreen Jerry Nadler oo ay ku wargeliyeen in eysan ka qeyb.-galeynin sababo la xiriira markhaatiyaasha oo aan magacyadooda la shaacin.

Qareenada u doodaya madaxweynaha ayaa sheegay in dacwadda loo haysto madaxweynaha ay tahay mid aan sal laheyn islamarkaana dhinac qura ay tahay.

Horay ayaa waxaa la isula dex marayay in madaxweynuhu uusan ka qeybgeli doonin dhageysiga dacwaddaasi, balse lama hayn war huban.

Trump ayaa 4-ta bisha December lagu wargeliyay in uu horyimaado xildhibaanada aqalka kongreska ee dhageysanaya dacwadda loo heysto.

Jerrold Nadler, guddoomiyaha guddiga garsoorka ee qalka Kongreska ayaa sheegay in laba mid un ay noqon doontaa, oo kala ah in Madaxweynaha uu kaso qeybgalo dhageysiga dacwadda iyo ” in uu joojiyo ka sheegashada hannaanka”.

Haddii uu madaxweyne Trump ka qeybgali lahaa kulankaas, waxaa loo wareysan lahaa sida qof marqaati ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7964 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: