Wararka

Dab ka kacay warshad kuwa ceramic ah ee magaalada Khartoum oo dad badan ku dhintay…


Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen maanta oo Talaado ah ka dib markii dab uu ka kacay warshad ceramic ee ku taal magaalada Khartuum ee dalka Sudan, sida ay sheegeen booliska, ilo caafimaad iyo goob-joogayaal.

Jeneraal Hassan Abdullah, oo ah madaxa booliska ee deegaanka Bahri ee waqooyiga Khartoum, ayaa sheegay in dabku uu kacay kadib markii booyad shidaal ay qarxadey xilli ay xamuulkeedii ku gedineysay gudaha warshada ceramic.

Qiiq culus ayaa cirka isku shareeray ka dib markii uu dabku ka kacay warshad ku taal goobaha warshadaha ee waqooyiga caasimada.

Bilayska ayaa xiray goobta ay wax ka dheceen, waxayna Guddiga dhexe ee Dhakhaatiirta Sudan ay ku sheegeen warbixin horudhac ah in 16 qof ay dhinteen in ka badan 90 kalena ay ku dhaawacmeen.

Guddigu wuxuu tilmaamay in dhibbanayaashan loo qaaday isbitaalo dhowr ah oo ku yaal magaalada, isagoo shaqaalaha caafimaadka ugu yeeray inay u degdegaan sidii ay u caawin lahaayeen kuwa dhaawacmay.

Telefishanka dawladda ayaa ku dhawaaqay inuu dhacay “khasaare weyn oo naf iyo maalba leh”, halka ilaha caafimaadka ay sheegeen in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen shaqaale u kala dhashay wadamo kala duwan, qaarkoodna ay ka yimaadeen dalalka Aasiya.

“Dhawaqa qaraxu wuxuu ahaa mid sareeya,tiro badan oo gawaari ah oo yaalay parking xarunta ayaa waxaa gaaray dabka,” ayuu yiri shaqaale ka tirsan shirkad ku dhow warshada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8008 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: