Wararka

Faransiiska oo dhaleeceyn u jeediyey Mareykanka oo ku qasbayo xulufada NATO inay…


Wasiirka Difaaca Faransiiska ayaa ku dhaleeceysay dowlada Mareykanka in ay ku qasbeyso xulufadeeda NATO in ay hubka casriga ah ka iibsadaan halka ay gadan lahaayeen kuwa Kale.

Hadalkaan ayaa yimid maalmo kadib markii Madaxweyne Emmanuel Macron, uu ku eedeeyay Washington isku xirnaan la’aanta NATO.

Wargeys-ka todobaadlaha ah ee Le Journal du Dimanche ayaa qoray hadal wasiirka difaaca Florence Parly, ay ku eedeeysay in Mareykanka uu si qasab ah wadamada NATO uga iibinayo diyaaradaha casriga ah ee F-35.

Faransiiska ayaa dhanka kale difaacay wadamada ay xulafada yihiin in ay iibsadaan hub kale halka ay gadan lahaayeen diyaaradaha Mareykanka oo qiimahoodu aad u sareeyo.

Wadamada Talyaaniga, Norway, Ingariiska, iyo Holand ayaa diyaaradahan iibsaday.

Dhanka kale Washington ayaa ka fikireysa in diyaaradaha F-35 ay ka iibiso dalalka Greece, Romania, Spain iyo Poland.

Dowlada Turkiga oo horay ula gashay heshiis la xiriira Iibka diyaaradahan oo malaayiin doolar hormar ahaan u dhiibtay ayaa xukuumada Washington uga baxday kadib markii dowlada Ankara ay soo Iibsatay gantaalaha difaaca Ruushka ee S-400.

Dowlada Faransiiska ayaa dhanka kale ku dhaliishay Mareykanka talaabada uu ku cunaqabateynayo wadamada aan Iibsan hubka uu Farsameeyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: