Lionel Messi oo markii lixaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon D’or, halka Megan…

Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon D’ or markiisii 6aad, halka Megan Rapinoe ay ku guuleysatay markii ugu horeysay dhinaca hablaha.
Guusha Messi ayaa ka dhigeysa mid uu hal abaalmarin kaga horeeya Cristiano Ronaldo.
Ballon D’or ee hablaha ayey aheyd abaalmarintii labaad ee la bixiyo, horey waxaa ugu guuleysatay Ada Hegerberg oo ka tirsan qaranka Norway iyo kooxda Lyon ee France.
Natiijada kala horeynta abaalmarinta sidan ayey aheyd:
Lionel Messi, Virgil van Dijk, Cristiano Ronaldo, Sadio Mane, Mo Salah, Kylian Mbappe, Alisson Becker, Robert Lewandowski, Bernardo Silva, Riyad Mahrez.
Dhinaca Gabdhaha:
Megan Rapinoe, Lucy Bronze, Alex Morgan.
Haddii aad fiirisid liiska waxaa ku jira afar laacib oo ka soo jeeda kooxda Liverpool.