Wararka

Mareykanka oo abaalmarinayo cidii macluumaad ka keenta Sargaal sare oo ka tirsan…


Dowlada Mareykanka ayaa baadi goob xoogan ugu jirta sargaal sare oo katirsan kooxda Al Shabaab kana soo jeeda dalkeeda, waxaana sargaalkan mudo sanado ah uu kamid yahay xubnaha sar sare ee ajaaniibta la jooga Al Shabaab.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in la abaal marinayo cidii keenta xog lagu dili karo ama lagu qaban karo Jehad Serwan Mostafa oo katirsan Al Shabaab, waxaana ninkan la sheegay in uu yahay ninka ugu sareeya ee Mareykan kasoo jeeda oo katirsan Al Qaacida.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu noqday madaxa Ajaanibta Al-Shabaab, madaxa qaraxyada Al-shabaab, tababare sare oo ka tirsan AL-shabaab iyo madaxa warbaahinta ee Al-shabaab.

Jehad Serwan Mostafa ayaa la sheegay in uu Al Shabaab kusoo biiray sanadkii 2006-dii, waxa uuna ninkan kamid ahaa ragii la dagaalamay ciidamada Itoobiya oo xiligaas duulaan kusoo qaaday gudaha Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa horey lacago malaayiin Dollar ah u dul dhigtay madaxyada xubno sare oo katirsan Al Shabaab kuwaa oo qaarkood lagu dilay duqeymo halka kuwa kalana wali Mareykanka baadi goob ugu jiro.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: