Wararka

Dowlada Norway oo ku sheegtay khilaafka Masjidka Tawfiiq inuu salka ku hayo arrimo Qabiil…


Dowladda Norway ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay muran iyo isqababsi ka taagan Masjidka Soomaalidu gacanta ku haysay oo dhawaan laga joojiyay taageere dhaqaale oo ay siin jirtay Norway.

Norway ayaa caddeysay in khilaafka MasjidkaTawfiiq uu salka ku hayo arimo qabiil oo Soomaalida dhexdeeda ah.

Waxay sheegtay labada kooxood ee Masjidka ku hardamaya in aanu taageere ka haysanin shacabka Soomaalida, ayna rabaan in labadaba meesha laga saaro oo ay israacaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay qoraalo is khilaafsan oo ay kala direen labada koox ee isku haysta maamulka Masjidka, in ay sabab u ahayd tilaabadii lagu joojiyay taageeradii dhaqaale ee dowladdu siin jirtay Masjidka, taas oo dhamayd 7,8 miillion kr, oo ah lacagta dalkaas.

Towfiiq waa Masaajidka ugu weyn ee muslimiinta ku tukadaan ee kuyaala Norway, Marka loo fiiriyo tirada Muslimiinta ku xiran waxay ku dhow yihiin 8000.

Dowladda Norway waxay sheegtay in ay dhawaan ku dhawaaqi doonto maamulka saxda ah ee Masjidka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10135 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: