Wararka

Golaha Wakiilada oo si aqlabiyad leh kumeel mariyey sharci dhigaya in wax laga qabto…


Golaha Wakiilada ee Mareykanka ayaa Talaadadii si aqlabiyad ah u meel mariyey sharci dhigaya in maamulka madaxweyne Donald Trump uu xoojiyo mowqifkiisa ku aadan howlgalka qab qabashada Shiinaha ee ku aaddan dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Uighur ee gobolka Xinjiang ee galbeedka dalkaasi.

Qoraalka sharciga, oo ku baaqaya in cunaqabateyn la saaro xubno ka tirsan dowladda Shiinaha, taasi oo ujeedadeedu tahay in wax looga qabto xadgudubyada culus ee ka dhanka ah Uighurs, oo ay ku jiraan ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka mid ah oo lagu hayo xeryo.

Sharciga ayaa sidoo kale ku eedeeyay Beijing inay qaadayso talaabooyin ka dhan ah Uighurs, oo ay ka mid tahay in laga qaado xuquuqdooda madaniga iyo tan siyaasadeed.

Afhayeenka Golaha wakiilada Nancy Pelosi ayaa sheegtay codaynta ka hor, ” maanta sharafta iyo xuquuqda Uighurs-ka ayaa waxaa khatar ku ah ficilada foosha xun ee Beijing, oo xurmo darro ku ah damiirka wadajirka ee caalamiga”. waxay ku dartay “Waxaan fariin u diraynaa Beijing: Mareykanka wuu kula socdaa mana ka aamusnaan doono. ”

Guurtidu waa inay ansixiso qoraalka ka hor inta aan loo dirin Aqalka Cad ee loogu talagalay Trump inuu saxeexo ama diido.

Beijing ayaa muujisay “caro daran” ka dib cod ay u qaadeen Aqalka Wakiilada Mareykanka iyaga oo ugu yeeray “in ay saxaan khaladkooda” isla markaana aysan “faragalin arrimaha gudaha Shiinaha”.

Afhayenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Shiinaha Hua Chunying ayaa sheegtay in sharciga uu ceebeynayo “si aan sabab lahayn” oo wax u dhimayo dadaallada Shiinaha ee ah “ciribtirka xagjirnimada iyo la dagaallanka argagixisanimada” ee gobolka Xinjiang.

“Shiinaha ayaa ka jawaabi doona iyadoo la eegayo isbeddelka xaaladda,” ayay tiri, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Khubarada iyo ururada xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha in ay hayaan ilaa hal milyan oo Muslimiin Uighur ah oo ku jira xeryo ku yaal Xinjiang.

“Tani waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee xuquuqda aadanaha adduunka maanta,” ayay tiri Waaxda Arrimaha Dibadda.

Warbixinta sanadlaha ah ee xuquuqda aadanaha ee 2018 ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay bishii Maarso in Shiinuhu uu ku hayo Muslimiinta xarumo dadka lagu hayo iyada oo ujeedkeedu yahay tirtirida diintooda iyo jinsiyadooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: