Wararka

Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Wakiilada oo soo saaray warbixin dacwad loogu soo oogi karo…


Guddiga Sirdoonka ee Golaha Wakiilada ayaa soo saaray warbixintiisii khaaska aheyd ee ​​baaraysay suurtagalnimada in dacwad lagu soo oogo madaxweyne Donald Trump, taas oo lagu sheegay in madaxwaynuhu sameeyay dadaal dheer oo bilo ah si uu u adeegsado awoodiisa si uu u raadsado faragalin shisheeye oo maslaxad u ah doorashada 2020.

Warbixinta ayaa sheegtay in madaxweyne Trump uu ku xiray dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelinsky inuu ku dhawaaqo baaritaan lagu sameeyo wiilka Joe Biden si uu u soo booqdo Aqalka Cad iyo dib u soo noqoshada gargaarka milatariga.

Waxay sheegtay in wakiilo ka socda Trump ay cadaadis saareen madaxweynaha Ukraine si ay u hubiyaan inuu ku dhawaaqo baaritaan ka dhan ah Biden iyo wiilkiisa.

Sida warbixinta lagu sheegay, Trump wuxuu ka codsaday Madaxweyne Zelinsky inuu qaato aragti aan la xaqiijin oo ah in Ukraine aheyd oo aan ahayn Ruushka cidda faragelinta ku sameysay doorashadii madaxtinimada ee 2016.

Wuxuu xusey in Trump uu cabsi galiyay marqaatiyaasha u hogaansamay amarka ‘subpoenas’, iyo inuu dantiisa shaqsiyeed iyo midiisa siyaasadeed ka horumariyey maslaxada Mareykanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in qorshaha Trump uu saameyn xun ku yeeshay siyaasada arrimaha dibedda Mareykanka ee ku wajahan Ukraine isla markaana ay wiiqeyso amniga qaran ee dalka.

Waxay sheegtay caddeynta oo sababi karta in shaqada laga eryo Trump sababta oo ah adeegsiga xafiiskiisa iyo carqaladeynta uu ku hayo Congresska “oo ah mid aad u weyn”.

Guddigan ayaa loo qorsheeyay inay mar kale ay kulmaan si ay ugu codeeyaan natiijada ka soo baxday warbixinta, ka dibna loo gudbin doonaa Guddiga Garsoorka ee Golaha Wakiilada si ay u bilaabaan howlahooda maalinta Arbacada.

Magaalada London, Trump ayaa wuxuu ku sheegay in uu doonayo in maamulkiisu uu marag ka noqdo baaritaanka, oo uu ku jiro Xoghayaha Arimaha Dibadda Mike Pompeo, laakiin keliya marka la gaaro maxkamad Senate-ka.

Trump ayaa horey u diiday inuu u ogolaado saraakiisha maamulkiisa inay ka marag furaan baaritaanka aqalka wakiilada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7961 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: