Wararka

Khilaaf xoog leh oo la sheegay inuu ka jiro odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug…


Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in khilaaf xoogan ka jiro Odayaasha saxiixayaasha ah ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa ku guuleystay in ay xareeyaan qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka Cusub ee Galmudug , waxaana Guddiga wali ku guuleysan in ay xaliyaan khilaaf beelaha dhaxdooda ka jira.

Beelaha dega Galmudug qaarkood ayaa isku heysta Odayaasha usoo xulaya Baarlamaanka ay ku yeelanayaan Galmudug, waxaana magaalada Dhuusomareeb kuwada sugan Odayaal iska soo horjeeda oo mid walbo doonayo in saxiixa beeshiisa yeesho.

Maamulkii hore ee lagu soo dhisay magaalada Cadaado ayaa waxaa Odayaal laga dhigay kuwa aan rasmi aheyn kuwaa oo soo xulay Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, saxiixayashii hore ayaa hadana mar kale doonaya in ay soo xulaan Baarlamaanka cusub.

Odayaasha dhaqanka ee beelaha leeyihiin ayaa markan diidan in ay matalaan Odayaal xiligaasi xaal mastuur lagu sameeyay, waana mida hada dooda dhalisay dibna u dhigtay xareenta Odayaasha iyo soo xulista Xildhibaanada cusub.

Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka iyo guddiga farsamada ayaa wada dadaalo lagu xalinayo khilaafka dhinaca Odayaasha ee beelaha qaar ka jira, waxaana suurto gal ah in wax laga bedelo odayaashii horey usoo xulay Baarlamaankii hore.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10174 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: