Wararka

Qarax miino oo ka dhacay degmada Awdheegle oo lagu dilay Guddoomiyaha degmada…


Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Gudoomiyihii degmadaasi Maxamed Aweys Abuukar .

Dadka deegaanka ayaa si weyn u maqlay qaraxa ka dhacay gudaha Degmada Awdheegle, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in qaraxa ku dhintay Gudoomiyaha degmada sidoo kale waxyeelo soo gaartay dad kale oo la socday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in qarax miino lagu dilay Gudoomiyihii degmada Awdheegle .

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaana kuwa milatariga ayaana howlgal baaritaano kawada Degmada Awdheegle gaar ahaan goobta uu ka dhacay qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii Degmadaasi .

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10877 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: