Wararka

Dacwad oogaha guud ee Kenya oo soo saaray warqad lagu soo xiray Duqa magaalada…


Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqada lagu soo xiray.

Booliska ayaa siyaasigan kasoo qabtay magaalada Voi, halkaasoo uu booqasho ku joogay.
Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji ayaa sheegay in Mr Sonko su’aalo laga weydiin doono halka ay ku maqan tahay lacag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loogu talagalay ismaamulka Nairobi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xafiiskiisa uu hayo caddeymo ku filan.

Xaaji ayaa dhanka kale booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqabad ku noqon kara baaritaanka la xiriira arrintan.
BBC

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: