Wararka

Deegaanadii shalay lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug oo maanta deggan, inkastoo dad…


Waxaa saakay deggan deegaannadii shalay lagu dagaalamay ee gobolka Mudug oo ay ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo gaar ahaan ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug ayaa noqonayaa kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara deegaanka, waxaana marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu sababay sidoo kale ku barakacay dadkii degganaa Aaga lagu dagaalamay.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo baaq kasoo saaray dagaalka ayaa yiri “Dagaalka ka soo cusboonaaday Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin”. Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay.

Waxaa sidoo kale isna dagaalkan ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah Musharax u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug oo ugu baaqay labada dhinac in ay dagaalka joojiyaan..

Gobolka Mudug waxaa marar badan oo hore sidan oo kale waxaa ku soo noqnoqday dagaalka u dhaxeeya beelaha wadda dega gobolka oo salka ku haya dad horay leysaga dilay iyo lahaanshaha deegaannada lagu dagaallamo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10897 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: