Wararka

Dowlada Somalia oo ka hadashay eedeymo uu C/raxmaan C/shakuur u soo jeediyey…


Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta buuqa badan dhalisay ee ku saabsan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo eedeymo uu u soo jeediyay Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga BBC ayaa ka difaaca Dowladda eedeymaha uga yimid siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sheegay in ay dowladdu ku soo abaabushay Culimo qaarkood ugu hanjabay dil,.

” Waxaa rabaa marka hore in aan arinkaa uga jawaabo Cabdiraxmaan Cabdishakuur saaxiibkey waxaan leeyahay waad hadashay arin Diin ku lug leh baad ka hadashay, Dowladdu kuma aysan oran arin Diin la xiriirta ka hadal, waa lagu heystaa Culimo dhinacyo badan leh ayaa ku heysata oo arintaada ridisay, marka arintu eedeyn dowladdeed iyo hebel bey-nu is heynaa ma khuseyso, arin aftahannimo u baahanna ma’aha, waa arrin khatar ah oo Diin la xiriirta” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda waxa kaliya ee la gudboon Cabdiraxmaan Cabdishakuur tahay in uu is bari -yeelo oo meel fagaaro ah bulshada iyo culimada Soomaaliyeed kula hadlo, ”’Waxaan ugu nasteexey-nayaa Cabdiraxmaan in uu Aakhiradiisa iyo Aduunyadiisa u baqo oo uu is bari-yeelo, waayo arintu waa arin khatar ah oo Diin la xiriirta, waa in uu qabtaa madal Culimadu goob joog ka tahay arinkaana uu ka hadlaa sidaana isku bari yeelaa”

Mar wax laga weydiiyay eedeynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah Dowladda fursad u siisay Xasan Daahir Aweys in uu soo duubo muuqaal uu dil ugu hanjabayo’ ayuu yiri” Wax ka jiro arintaa malaha Xasan Daahir haddii uu xabsi Guri ku jiro xaq ayuu u leeyahay in uu teleefoonkiisa gacanta heysto, marka teleefoonkaa ayuu adeegsaday isaga oo u arka in Diintiisa la soo weeraray’ ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Ugu danbeyntii Maareeye ayaa sheegay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah, taa badalkeedana dowladda dhaqaallaheeda ugu badan ku bixiso la dagaalanka kooxahaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10966 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: