Wararka

Nancy Pelosi oo shaaca ka qaaday in Trump uu ku xadgudbay awoodii xafiiska oo amartay…


Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa ku amartay hogaamiyayaasha xisbiga Dimqoraadiga “inay guda galaan qodobada xil ka-xayuubinta” madaxweyne Trump, ayada oo shaaca ka qaaday “inuu ku xadgudubay awoodii xafiiskiisa.”

Pelosi ayaa sheegtay in madaxweyne Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, uu meel ku xooray hab-dhaqankii caadiga ahaa ee madaxweynenimo, kuna xadgudbay waajibkii uu ku dhaartay ee ilaalinta dastuurka Mareykanka.

Waxay ku eedeysay inuu Ukraine weydiistay inay baaritaan ku sameyso mid ka mid ah musharaxiinta Dimoqraadiga ee doonaya inay kula loolamaan doorashada 2020, kaasi oo ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, si taasi ay isaga uga caawiso inuu ka adkaado.

“Xaqiiqoyinka lama diidi karo,” ayey tiri Pelosi. “Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbay awooddiisa, si danihiisa siyaasadeed ee shakhsiga ah uu uga hormariyo amnigii qaranka.”

Pelosi ayaa ku amartay Jerrold Nadler, oo ah guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiilada, halkaasi oo arbacadii ay ka billaabatay dhageysiga xil ka-xayuubinta, iyo guddoonka Dimoqraadiga inay diyaariyaan qodobada xil ka-xayuubinta.

Inkasta oo Pelosi aysan waqti qaban, haddana Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Dimoqraadiga ayaa u codeyn kara maamuus ka xayuubinta Trump ka hor ciidda kirismaska ee dhammaadka bishan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: