Wararka

Feeryahanka miisaanka culus ee Britain Anthony Joshua oo ku guuleystay ciyaar feer aheyd…


Feeryahanka miisaanka culus ee reer Britain Anthony Joshua ayaa ka aargoostay ninka ay xafaltamaan ee reer Mareykan Andy Ruiz oo asal ahaan Mexican ah ayuu uga badiyey dhibco maalintii Sabtiga ciyaar feer aheyd oo lagu qabtay dalka Sacuudiga, wuxuu soo ceshaday magacii horyaalnimada ee Tartanka Feerka miisaanka culus oo horey uga adkaaday isla Feeryahankan bartamihii sanadkan.

Joshua ayaa wuxuu ku guuleystey inuu dib u helo magacyadii Golaha feerka Adduunka, Ururka Adduunka iyo Xiriirka Feerka adduunka, ee uu lumiyey bishii June ee la soo dhaafay ciyaar ka dhacday magaalada New York isaga oo guuldarro kala kulmay Ruiz markii lagu jiray wareegii toddobaad.

Joshua ayaa soo bandhigay ciyaar feer heer sare aheyd oo uu ugu badiyey 118-110 dhibic oo labo garsoore ay xukumeen halka garsooraha seddaxaad uu xukmiyey 119-109 dhibic, sidaasina ay guusha ku raacday.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: