Wararka

Dowlada Mareykanka oo soo dhoweysay heshiiska ay gaareen Ahlu Sunna iyo Dowlada Somalia…


Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweysay heshiiska ay Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ka gaareen dhismaha Maamul loo dhan yahay ee yeelato Galmudug.

War Saxaafadeed uu soo saaray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayuu kusoo dhaweeyay Heshiiska ay dhismaha Galmudug ka gaareen Dowlada federaalka iyo Ahlu Sunna.

Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageereyso heshiiskan ayna ka go’an tahay taageerida dadaalada socda, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa gacan ka geysaneyso in Soomaaliya la gaarsiiyo nabad iyo xasillooni buuxda.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab, waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska,” ayaa lagu yiri Qoraalka Yamamoto.

Beesha Caalamka ayaa gacan ka geysatay heshiiska ay gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna , waxaana heshiiskan uu horseedayaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: