Wararka

Heshiis u ogolaanaya Ahlu Sunna inay ku yeelato 20 xildhibaan Baarlamaanka oo la gaaray…


Magaalada Dhuusomareeb waxaa heshiis ku gaaray Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ee Xukuumada Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Wasaarada arimaha Gudaha ayaa u ogolaatay kooxda Ahlu Sunna in Baarlamaanka cusub ku yeelato 20-Xildhibaan , Ahlu Sunna ayaana ogolaatay heshiiska iyo sidoo kale tirada Xildhibaanada la siiyay.

Qoraal kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Ahlu Sunna heshiiska u saxiixay ayaa sheegay in ay u tanaasuleyn shacabka Galmudug ayna aqbaleyn heshiiska lagu dhisayo Galmudug loo dhan yahay.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa u mahad celiyay Beesha Caalamka uu sheegay in gacan ka geysatay heshiiskan, waxa uuna ugu baaqay bulshada Galmudug in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka Galmudug.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: