Wararka

Shacabka Ingriiska oo saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan 650 xildhibaan…


Shacabka dalka Ingiriiska ayaa saaka oo khamiis ah u dareeraya doorashada guud ee saddexaad ee muddo shan sano gudahood ka dhacda dalkaas.

Doorashadan oo markii ugu horeysay muddo boqol sano ah la qabanayo bisha December ayaa waxaa ay daba joogtaa doorashooyinkii horay uga dhacay dalka Britain sanadihii 2015 iyo 2017.

Goobaha codbixinta oo gaaraya 650 xarumood oo ku kala yaala guud ahaan England, Wales, Scotland iyo waqooyiga Ireland ayaa lagu wada in saaka ay furmaan.

Marka ay dhamaato codbixinta afarta saac ee habeenimo, waxaa bilaaban doonaa tirinta codadka, inta bandanna natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacadaha hore ee maalinta Jimcaha.

Doorashadan ayaa lagu doorran doonaa xildhibaano gaaraya 650, waxaana xisbiga helaa kuraasta ugu badan ee barlamaanka uu noqonayaa Ra’iisul wasaaraha dalkaas.

Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb qaadan kara dadka ay da’dooda ka weyn tahay 18 sano ee u dhashay dalkaas, heystana kaarka codbixinta.

Shacabka ayay guddiga doorashada shegeen in aysan u baahneyn in ay qaataan kaararka codbixinta, balse looga baahan yahay in ay gudbiyaan magacyadooda iyo halka ay doonayaan in ay ka codeyaan. Qof walbana waxaa uu u codeyn karaa hal musharax oo keliya.

Kooxaha la socda doorashada ayaa maalmihii lasoo dhaafay shacabka uga digayay in ay isku dul sawiraan sanduuqa codbixinta, taas oo ay shegeen in ay noqon doontaa arrin aan la oggolaan doonin oo dembi ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: