Wararka

Weerar culus oo al-Shabaab ku qaaday xerada Hiilweyne ee degmada Balcad oo dad ku…


Weerar culus ayaa xalay saqdii dhexe xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ku qaadeen xerada Hiilweyne ee degmada Balcad gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayey saacado kooban kula wareegeen gacan ku heynta xerada xoogaggii weerarka ku soo qaaday, waxaana halkaa lagu dilay Shan ruux oo ay ka mid ahaayeen Labo Gabdhood oo maqaaxi ku lahaa meel aan ka fogeyn xerada la weeraray.

Maamulka degmada Balcad ayaa ka gaabsaday in ay bixiyaan faah faahinno dheeraad ah oo ku saabsan weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in saldhigga la weeraray ay ku sugnaayeen ciidamo kooban oo u badnaa Odayaashii hore ee militariga Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerarro qorsheysan ka fuliyay degmada Balcad iyo deegaanno hoostaga gaar ahan waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar oo ay ku dileen saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8418 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: