Wararka

Shirkada Twitter oo tirtirtay ku dhowaad 6 kun oo akoon oo ku xadgudbay nidaamka guud…


Toddobaadyo kadib markii mas’uuliyiinta Mareykanka ay dacwad basaasnimo ay ka gudbiyeen seddex muwaadin oo Sucuudi ah, kadib markii ay u dhaceen xoggo shaqsiyadeed ee ay lahaayeen mucaaradka ka soo horjeedda iyagoo adeegsaday Twitter-ka, shirkadda ayaa waxay ku dhawaaqday inay tirtirtay ku dhawaad ​​lix kun oo akoon kuwaas oo qeyb ka ahaa hanaan macluumaad laga dhigay in ay dal kale ka yimaadeen, laakin ay ka soo baxeen Sacuudiga.

Twitter-ka ayaa sheegay in akoonnada la tirtiray oo tiradooda gaaraya 5929 akoon – ay ku xadgudbeen nidaamka barta, waxay qayb ka yihiin shabakad ballaaran oo illaa 88 kun oo akoon ah.

Shirkaddu waxay ku nuuxnuuxsatay in howsha akoonada ay tahay in lagu riixo farriimaha taageera maamulka Saudi-ga iyada oo la buunbuuninayo oo lagu muujinaya xushmadda Tweet-ka iyo iyadoo dib loo daabaco lagana jawaabo.

Shirkadu Waxay xustay in isha waxqabadka ay tahay shirkad suuq geyn ah ee baraha bulshada oo fadhigeedu yahay Riyadh, waxayna xiriir la leedahay dhowr qof oo Sucuudiga ah iyo warbaahinada caanka ah.

Shirkada Twitter-ka ayaa u joojisey akoonada oo dhan sifo daa’im ah.

Twitter-ka ayaa sheegtay in baaritaankooda uu ku saleysan yahay dhaqdhaqaaqa mala-awaalka ah ee asal ahaan ka soo jeedo Riyadh, iyagoo intaas ku daray in shirkadda Sacuudiga ee la eedeeyay ay maamusho akoonno dhowr ah oo “shaqsiyaad caan ah” iyo waaxyaha dowladda.

Qaar badan oo ka mid ah xisaabaadka ku lugta leh waxay ku tiirsanaayeen aalado si ay u faafiyaan farriimaha aan siyaasiga ahayn si ballaaran, sida lagu sheegay Twitter.

baraha bulshada ee sida Twitter iyo Facebook waxay la dagaallamayaan howlgalo lagu jeedinayo ra’yiga caamka ah ee dadweynaha, gaar ahaan dalalka Shiinaha, Hindiya, Ruushka iyo Sacuudiga.

Bishii September ee la soo dhaafay, warbixin uu soo saaray Machadka Internetka ee Oxford ayaa lagu sheegay in tirada ololayaasha ay labanlaabantay laba sano gudahood, waxayna ka soo jeedaan dowlado dimoqraadi ah iyo kuwo keligood talis ah oo si isku mid.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11381 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: