Wararka

Wiil 8 jir ah oo noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeyey barta muuqaalka ee Youtube…


Ryan Kaji oo da’diisu 8 jir ah ayaa noqday shakhsiga lacagta ugu badan ka sameeyay barta muuqaallada la iska daawado ee Youtube-ka sannadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka.

Wiilkan oo ku nool gobolka Texas ee dalkaasi Mareykanka ayaa Youtube-ka ka shaqeystay lacag dhan 26-milyan oo dollar sannadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka keligiis.

Barta uu Youtube-ka ku leeyahay oo lagu magacaabo “Ryan’s World,” ayaa waxaa ku xiran 23 milyan oo ruux, waxaana muuqaallada uu soo dhigo ay yihiin kuwo carruurta loogu talo-galay ama lagu maaweeliyo.

Liiska 8 qof ee ugu horeeya:

Ryan Kaji – $26 million.
Dude Perfect – $20 million.
Anastasia Radzinskaya – $18 million.
Rhett and Link – $17.5 million.
Jeffree Star – $17 million.
Preston – $14 million.
PewDiePie tied with Markiplier – $13 million.
DanTDM – $12 million.

Youtube ayaa sannadkan noqday bogga labaad ee loogu booqashada badan yahay marka laga soo tago Google-ka oo shirkad ahaan iskaleh Youtube-ka, waxaana iskucel-celis la daawadaa 22-saac iyo 52 sekan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: