Wararka

Ciidanka Mareykanka oo ka mamnuucay askartooda inay adeegsadaan App-ka Tik Tok ee…


Militariga Mareykanka ayaa waxay ka mamnuuceen shaqaalaha militariga inay adeegsadaan barnaamijka App-ka fiidiyowga caanka ah ee (TikTok) oo loo isticmaalo Taleefannada ay dowladdu bixiso, ka dib markii lagu muujiyey xiisadda sii kordheysa ee ku saabsan shirkadda qeybta ka ah App-ka ee ku taal magaalada Beijing iyo awaamiirta iyo jiheynta Waaxda Difaaca ee Mareykanka, Wakaaladda Nidaamka Macluumaadka ee Difaaca ayaa ku talisay in dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Difaaca aysan isticmaalin App-ka laga leeyahay Shiinaha.

Afhayeenka milatariga Mareykanka, Lt. Col. Robin Ochoa, ayaa u sheegtay website-ka Military.com in App-kaasi uu yahay hanjabaad elektronik ah isla markaana aan loo oggolayn aaladaha ay dowladdu soo saartay.

Afhayeenka waaxda ayaa tiri in ( faraca howlgalka uu khasab ku yahay inay u hogaansaman awaamiirta ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga oo tilmaamaysa in App-kaasi uu yahay mid khatar ku keeni kara amniga, “af hayeenka ayaa usheegtay The Washington Post.

Nidaamkan ayaa daba socda xayiraad taas la mid ah oo lagu soo rogay ciidamada Navy Mareykanka iyaga oo loo soo diray farriin wacyigelin elektaroonig ah oo laga soo saaray Waaxda Difaaca, oo ku boorisay shaqaalaha Pentagon oo tiradoodu gaareyso ​​23,000 oo shaqaale ah in ay barnaamijka iska furaan sababta oo ah wuxuu khatar ku noqon karaa xogaha shaqsiyadeed oo kadibna hela jihooyin aan loo rabin.

“Hanjabaadu waxay la xiriirtaa luminta suurta galknimada macluumaadka shaqsi ahaan oo qofkii la aqoonsan karo,” afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa yidhi, halka sarkaalka howlaha guud ee ciidamada uu cadeeyay in millatarigu raacayo awaamiirta xafiiska wasiirka gaashaandhigga ee la xiriira khataraha amni ee ka imaan kara Tik Tok.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8781 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: