Wararka

Ammaanka doorashada la filayo inay ka dhacdo Somalia oo iska arkay Taliyaha Booliska iyo…


Taliyaha Booliska Somaliya & Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka wada hadlay arrimaha ku saabsan ammaanka doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kulan ka yeeshay arrimaha doorashada dalka ee soo socota iyo doorka ay ka qaadan karaan ciidaamada ammaanka gaar ahaan, kuwa Booliska.

Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo doorasho ku dhacdo xaalad nabadgelyo leh.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay inay ciidamada xilli waliba u diyaarsan yihiin suggida ammaanka dalka.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Yarey ayaa ka mahadcelisay sida wanaagsan ee Ciidamada Booliska uga shaqeeyan suggidda ammaanka dalka.

Waxaa socda qorshaha loogu diyaar garoobayo in dalka ay ka dhacdo doorasho, inkastoo aanan la ogayn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: