Wararka

Askari Mareykan ahaa oo ku dhintay weerarkii ka dhacay Manda Bay oo la shaaciyey magaciisa…


Qoyska askari Maraykan ah oo ku dhintay weerarkii ka dhacay Manda Bay, ee ay qaadday kooxda Al-Shabaab ayaa xaqiijiyey geerida askarigaasi.

Warbahainta Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa gobolka Illinois ayaa xaqiijiyey in askariga la dilay lagu magacaabo Henry Mayfield, oo ahaa 23 jir. Henry Mayfield ayaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka

Laba kale oo ka tirsan qandaraaslayaasha Wasaararda Gaashanadhigga Maraykanka ayaa iyagana lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo aan weli la magacaabin, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxda xagjirka ah ee Al-Shababaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu qaaday saldhiggan, oo ay sida wadajir ah u isticmaalayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga ciidamada militeriga ee Manda Bay ee Gobolka Lamu subaxnimadii hore ee Axadda aanu ahayn mid ay ku lug leedahay dowladda Iran.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa meesha ka saaray warar ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in laga yaabo in Iran ku lug leedahay weerarkaasi.

“Taliska Mareykanka ee Africa ma go’aamin in weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab qaadday uu xiriir la lahaa Iran,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu yiri, “inkastoo aan Iran looga shakisneyn in ay ku lug lahayd weerarkaasi, haddana Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa waxa uu arkay wadamo kale oo ay ku jirto Iran iney sii kordhinayaan saameyntooda gobolka Geeska Africa.”

Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ah si aysan markale awood ugu helin iney khatar geliyaan amaanka Mareykanka, muwaadiniinta Mareykanka, xulufada caalamiga ah iyo iney qalalaaso amni xumo ah ka abuuraan gobolka Bariga Africa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: