Wararka

Caleemo saarka ciyaaryahanka ugu fiican qaarada Afrika ee sanadkii 2019 oo la sugayo caawa…


Rajada uu ugu qeyb galayo xiddiga reer Masar Mohamed Salah oo ah machine-ka gooldhaliyaha Liverpool xaflada CAF ee lagu caleemo saari doono ciyaaryahanka ugu fiican qaarada Afrika 2019 ayaa shaki la geliyey, waxaa jiray su’aalo aad u badan saacadihii la soo dhaafay, ka hor inta muranka uusan u wareegin baraha bulshada.

Salah ma uusan xaqiijin ama beenin wararka hadda ku saabsan maqnaanshihiisa xaflada ah iyadoo dareenka gaar ahaan dadka badan ee qaaradda Afrika u jiheystay iyo caalamka guud ahaanba caawa magaalada Hurghada (Qardaqa) ee Bariga Masar.

In kabadan 150 kanaal caalami ah ayaa toos looga baahinayaa xaflada, iyadoo si diiran loo sugayo guuleystayaasha.

Tartanka abaalmarinta laacibka ugu fiican qaarada Afrika ayaa isugu soo haray Salah iyo saaxiibkiisa xulka Senegal Sadio Mane, iyo ciyaaryahanka reer Algeria Riyad Mahrez, oo ah ciyaaryahanka Manchester City.

Haddii Salah guuleysto, waxay u noqoneysaa markiisii ​​seddexaad oo isku xigta, halka Mane ay u noqoneyso markii ugu horeysay, Halka Mahrez markii labaad u noqoneyso.

Xiddiga reer Senegal – oo la rajeynayo inuu ku guuleysto abaalmarinta – ayaa yimid magaalada Hurghada, halka Salah ama Mahrez aysan imaanin weli, iyadoo warbaahinta ay soo warinaysay in uu raaligelin bixiyey ciyaaryahanka reer Algeria ay sabab u tahay ciyaarta Manchester Derby ee semi-finalka tartanka Federation Cup.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8458 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: