Wararka

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo duqeymo ka geystay Jilib, Caanoole iyo Jamaame ee…


Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay duqaymo ka gaysteen deegaano ku yaala Gobolada Jubbooyinka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa duqeeyay saldhig ay Al Shabaab ku leedahay Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe, xilli ay ku sugnaayeen Saraakiil la sheegay inay Shabaabka ka tirsanaayeen.

Diyaaradaha ayaa sidoo kale garaacay fariisimo ay Shabaabku ku leeyihiin deegaanka Caanoole ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqayn kale ayaa ka dhacday Degmada Jamaame ee Gobolada Jubbada Hoose, ka dib markii la beegsaday xero lagu tababaro maleeshiyada Al Shabaab.

G/dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi, Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Somaliya, Qaybta Jubbaland ayaa sheegay inay hawlgaladan iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed, kuwooda ka hawlgala Jubbaland iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in duqaymaha lala beegsaday saldhigyada Al Shabaab ay waxyeelo xoogan ka soo gaartay maleeshiyada Shabaabka, kuwaa oo Saraakiil ay ku jiraan, inkastoo aanu sheegin magacyada Saraakiisha lagu dilay duqayntaasi.

Ciidamada Mareykanka ee Somalia ku sugan ayaa dhinaca cirka ka duqeeya xarumaha Shabaabku ku leeyihiin deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: