Wararka

Shir lagu aaaasayey isbaheysi wadamada Carabta iyo Africa ee dhaca Badda Cas oo ka dhacay…


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Axmed ayaa Magaalada Riyadh kula kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa ka mid ahaa toddobo Wasiir Arrimo Dibadeed, oo Isniintii la kulantay Boqorka Sacuudiga.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Somalia, Jabuuti, Eritrea, Sudan, Masar, Yemen, Sacuudiga iyo Jordan ayaa shalay Magaalada Riyadh kaga qaybgalay shir lagu aas aasaayay isbahaysiga Wadamada Carabta iyo Afrika ee dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

todobodal.jpg

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Boqortooyada Sacuudiga ayuu ujeedkiisu ahaa in lagu dhiso isbahaysi mideeya Wadamada Carabta iyo Afrika ee kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

Boqor Salman oo si gaar ah u qaabilay Wasiiradan ayaa kaga mahadceliyay, sida ay dalalkooda uga soo jawaabeen casuumaaddii Sacuudiga, ee ahayd inay ka soo qaybgalaan shir lagu dhisayo isbahaysi kulmiya dalalkaasi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: