Wararka

Aabe iyo labo cunug uu dhalay oo ku dhintay dab qabsaday gurigooda magaalada Baydhabo…


Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in Aabe iyo Labo Carruur ah oo uu dhalay ay ku geeriyoodeen dab qabsaday guri ay degenaayeen.

Dabka oo kacay xili habeennimo ah ayey wararku sheegayaan in lagu guuldareystay damintiisa, taasoo keentay in ay geeriyoodaan Aabihii guriga iyo Labo wiil oo uu dhalay oo da’dooda lagu kala sheegay 10 sano iyo 8 sano jir.

Laakiin waxaa dabka ka badbaaday oo kaliya Hooyadii Qoyska waxaana laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee haweeneydan oo haatan xaalad miyir la’aan ah ku jirta.

Waxaa ilaa iyo hadda la ogeyn sababta keentay dabka hase yeeshee sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Baydhabo, aabaha reerka ayaa ka ganacsan jirey shidaalka bansiinka loo yaqaan.

Dadkii xaafadda kula noolaa qoyskan ku dhintay dabka ayaa siweyn uga naxay dhacdadan, iyaga oo isugu soo baxay guriga uu dabku qabsaday waxaana ay muragada la qeybsanayeen Hooyada reerka ee ka badbaaday dabka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: