Wararka

Diyaarad ay saarnaayeen 176 ruux oo ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Tehran Iran…


Diyaarad laga leeyahay dalka Ukrainian oo ay saarnaayeen 176 ruux oo rakaab iyo shaqaalaha diyaarada isugu jiray ayaa ku burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha Imaan Khomeyni ee caasimada Iiraan ee Tehraan.

Shilkan oo dhacay aroorninadii saaka oo Arbaco ah ayaa waxaa ku dhintay dhamaan dadkii saarnaa diyaarada, sida uu baahiyay Tv-ga dowlada Iiraan.

Sida ay tabinayaan warbaahinta gudaha diyaarada oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ayaa ku burburtay dhanka koonfur galbeed ee caasimada Tehraan waxyar uun markii ay Duushay.

Hey’ada laanqeyrta cas ee dalka Iiraan ayaa sheegtay goordhow in aysan jirin fursad lagu heli karo dad badqaba, halka muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ay muujinayaan in aysan jirin qofka ka badbaaday burburka Diyaaradaan.

Diyaarada oo ka duushay abaara 5:15 daqiiqo aroornimadan madaarka Imaam Khomeyni ayaa ku wajahneyd garoonka diyaaradaha Boryspil ee caasimada Kyiv ee dalka Ukraine.

Dowlada Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in ay bilowdeen baaritaano ay wadaan saraakiisha waaxda badbaadada duulimaadyada rayidka Iiraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: