Wararka

Dowlada Britain oo ciidankooda kala bixi doonaan dalka Ciraaq haddii Xukuumada Baghdad ay…


Dowlada UK ayaa sheegtay in ay dooneyso in ciidankeeda ay sii joogaan dalka Ciraaq, balse hadii xukumada Baghdad aysan ku qanacsaneyn ay ciidankooda kala bixi doonaan Dalkaasi.

Wasiirka difaaca UK Ben Wallace oo ka hor hadlayay golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay isku dayayaan sida ugu wanaagsan in ay ula dhaqmaan dowlada Ciraaq.

Ka dowlad ahaan waxaa dooneynaa in ciidankayaga uu ku sii sugnaado Ciraaq, balse waxaan muhiimada siin doonaa Madaxbanaanida.

Maalinimadii Axada ayay aheyd markii Baarlamaanka Ciraaq oo amray in dhamaan ciidanka Ajnabiga ay dalkooda faarujiyaan kadib duqeyntii Mareykanka ku dilay Jenaraal Qaasim Suleymani.

Dilka taliyihii hore ee ciidanka Qudus ee Iiraan ayaa keenay kacdoon ka dhan ah ciidanka shisheeye ee ku sugan dalka Ciraaq.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: