Wararka

Kantroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin Isgoyska Sayidka oo qarax lala beegsaday…


Qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay guud ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho kaasi oo lagu weeraray koontaroolka Ciidamada Amniga ku leeyihiin Isgoyska Sayidka.

Goobta la weeraray oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka koofi gaduudka ee ilaaliya madaxtooyada ayaa wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa ismiidaamin gaari loo adeegsaday.

Ilaa iyo hada ma cada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaan waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada iyadoo gabi ahaanba uu hakad galay dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo Dadweynaha.

Dhanka kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray xarumo ganacsi oo ka agdhowaa Isgoyska Sayidka waxaana ka mid ah kaalin Shidaal.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa goobta gaaray si loo caawiyo dadka Dibanayaasha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: