Wararka

Trump oo ka hadlay weerar lagu qaaday labo saldhig oo militariga Mareykanka kaga sugan…


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ka hadlay weerarka ay Iran ku qaaday saldhigyada uu Mareykanka kaga sugan yahay gudaha dalka Ciraaq.

Trump ayaa bartiisa Twiter-ka kusoo qoray in ay qiimeynayaan sida ay wax u dhaceen.

“Waxwalba waa ay dhan yihiin, gantaalo laga soo tuuray Iran ayaa lagu weeraray laba saldhig oo aan ku leenahay Ciraaq, qiimeynta khasaaraha ka dhashay ayaan wadnaa, waxwalbana waa hagaag, waxaana leenahay ciidanka ugu awoodda badan caalamka ee heysta hub carsi ah, dib ayaana kasoo sheegi doonaa sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri Trump.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuna yaala gudaha dalka Ciraaq lagu weeraray gantaalo.

Xukuumadda Washington waxay intaa raacisay in saldhigyada la bartilmaameedsaday ay yihiin Irbil iyo Al Asad, ilaa iyo haddana ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo inta uu la eg yahay.

Warbaahinta dalalka Carabta ayaa kusoo warramay in inkabadan toban gantaal lagu garaacay saldhigayada Mareykanka.

Warbixin u soo saaray afhayeenka aqalka cad ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu latashiyo la sameynayo lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka.

“Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

Dowladda Iran ayaa dhankeeda sheegtay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad sharif oo sheegay in Iran ay aargoosatay.

“Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Iran ayaa sidoo kale u digtay wadamada xulafada la ah Mareykanka ee dalalkooda u oggolaaday in uu saldhigyo ku yeesho.

Madaxweeyne Donald Trump ayaa horay u sheegay in hadii ciidamada Mareykanka lasoo weeraro ay iyaguna weerari doonaan Iran, waxaase aan la ogeyn tallaabada xigta ee uu Mareykanka qaadi doona.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8457 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: