Wararka

Xiddiga Senegal iyo Liverpool Sadio Mane oo ku guuleystay abaalmarinta CAF ee 2019…


Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Senegal Sadio Mane ayaa Talaadadii si rasmi ah loogu caleemo saaray abaalmarinta Xiddiga ugu fiican Afrika Sannadka 2019.

Mani, oo 27 jir ah, ayaa abaalmarintan ku gudoomay xaflad sanadle ah oo lagu bixiyo abaalmarinta Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) oo lagu qabtay magaalada Sahl Hasheesh, Hurghada, Egypt.

Mane ayaa si aad ah uga horeeyey labada xiddig ee heerka caalami ah ee Mohamed Salah, saaxiibkiisa Liverpool iyo weeraryahanka Algeria, xiddiga Manchester City Riyad Mahrez, iyagoo soo gaaray liiska kama dambeysta ee musharixiinta abaalmarinta.

Salah ayaa loo caleemo saaray abaalmarinta labadii sano ee la soo dhaafay ee 2017 iyo 2018, halka Mehrez loo caleemo saaray hal mar horaantii sanadkii 2016, halka Mane loo caleemo saaray Talaadadii markii ugu horeysay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8456 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: