Wararka

M/weyne Deni oo ka soo horjeestay sharciga Batroolka oo dhawaan la meel mariyey…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan sharciga Batroolka Soomaaliya oo dhawaan ay meel mariyeen labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa tilmaamay inayan ka aamusi doonin khaladaad uu tilmaamay inay dowladda federalka faraha kula jirto, sheegayna inay qoraal rasmi ah kasoo saari doonaan arrintaas.

Deni waxa uu sheegay in khilaafka hadda taagan in uu salka ku hayo, iyadoo xukuumada federalku diidan tahay in laga wada tashado sharciyada masiiriga ah ee dalka lagu maamulayo.

“Waxaan ka digaynaa mar labaad in ay soo laabato hal hayskii ahaa loo joojin maayo. Dalka waa lawada leeyahay, waxaana ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay talada dalka wax ka siiyaan dadka wax ka dhistay,” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay kasoo horjeestay sharciga doorashooyinka qaran, isagoo tilmaamay in la baal maray hannaankii wadatashiga ahaa ee la doonayay in dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah laguna ilaaliyo midnimada guud ee Soomaaliya.

Wuxuu u mahad celiyay senatarada aqalka sare ee kasoo jeeda Puntland, isagoo ku ammaanay tilaabadii ay bannaanka uga baxeen meelmarintii sharciga batroolka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: