Wararka

Manchester City oo 3-1 uga badisay Man United ciyaar aheyd semi-finalka EFL cup ee Ingriiska…


Bernardo Silva ayaa sheegay in Manchester United ay nasiib ku laheyd kaliya 3-0 looga badiyay qeybtii hore ee ciyaartii lugta hore ee semi-finalka EFL Cup oo ay guuleysatay Manchester City.

City ayaa 3-1 ugu guuleystay Old Trafford, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta ay soo bandhigeen ciyaar xiiso leh iyaga oo si raaxo leh ugu soo baxay guul isla markaana hal lug soo dhigay finalka.

Bernardo Silva ayaa gooldhalinta furay dadaal cajiib ah oo dheeri ah, ka hor inta uusan labeyn Riyad Mahrez. Gool ahaa mid ay iska dhaliyeen oo sababsaday Andreas Pereira, ciyaar uu soo agasimay Kevin De Bruyne oo khadka ka saaray United ka hor nasashada.

Marcus Rashford ayaa helay goolka keliya ee Man Utd dhalisay.

Silva ayaa qirtay in City ay awood u laheyd inay ku hogaamiso goolal badan intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaarta, balse ciyaarta ay aad u adkaatay 45 daqiiqadii labaad.

“Ma ahan wax sahlan inaad timaado Old Trafford marka loo fiiriyo mid ka mid ah kooxaha ugu fiican England, Yurub isla markaasna ku garaacdo 3-1.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8459 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: